EIN Home Page



Members' site home page

Further information on EIN

EIN General Resources

EIN Events Pages

EIN Recruitment

Search the open site

Resources in other languages:

Qoraal Af-Somaali ku qoran
EIN waxay caan ku tahay in ay dhinaca Internetka ku bixiso warbixino ku saabsan arrimaha Socdaalka (Immigration) iyo xeerarka ka yaalla qaxootinnimada, gaar ahaan dalkan Biritan iyo Yurub. Annagu uma xilsaarnin inaan arrimahaas wax ka qabano (sidaas darteed fadlan si toos ah talo ha nooga soo raadin), balse waxa keliya oo aan qabanno waa inaan dadka u tilmaano halka ay ka heli karaan wixii warbixin ama talo ah ee caawin kara. Qoraalkan annaga waa naloo turjumay, ee macnaheedu maaha in dad luqaddaada ku hadla ay xafiiskan joogaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, EIN waxay aaminsantahay in goobaha iyo qoraallada hoos ku taxan ay caawin karaan dadka doonaya talo ku saabsan dhinaca Imigreeshanka, magangelyada (Asylum), ama arrimaha qaxootiga, gaar ahaan dalkan Biritan iyo Yurub. Si aad ah ayaan ugu dadaalnay in qoraallada, xiriirrada xoos ku qoran iyo bogagga Internetkuba ay shaqaynayaan isla markaana ay ku qoranyihiin warbixinihii ugu dambeeyey, hase yeeshee annagu mas'uul kama nihin haddii ay ku qoranyihiin talooyin aan fiicnayn.
--------------------------------------------------------------------------
Isutagga Talosiinta Qaxootiga (Refugee Outreach Advice Partnership)
Waxay ujeeddadeedu tahay inay talo iyo warbixino siiso qaxootiga iyo dadka magangelyo-doonka ah eek u sugan Ingiriiska (England) kuwaas oo dhibaato kala kulma helidda talooyin wax ku ool ah. Waraaqaha magacyadoodu hoos ku qoranyihiin waxay talooyin asaasi ah ka bixiyaan qayb kasta oo khuseysa mashruuca ay ku shaqada leeyihiin.
"Codsigaaga magangelyo-doonka" "Your asylum application"
"Heerarka loo maro magangelyo-doonnimada" "The asylum process"
Booqo bogga: Isutagga Talosiinta Qaxootiga
--------------------------------------------------------------------------
Guddoonka Adeegyada Xafiiska Socdaalka (OISC)
Guddoonka Adeegyada Xafiiska Socdaalka, (The Office of the Immigration Services Commissioner -OISC), waxay leeyihiin Internet ay ku taal liis ay ku qoranyihiin dad talo laga qaato oo ka diiwaan gashan OISC. Waxaa kale oo ku yaal xiriirro bogag kale oo warbixin ka bixinaya dad talo bixiya oo aan ka diiwaan gashanayn OISC, sida Looyarro (solicitors), garyaqaanna maxkamadaha (barristers), iyo xeel-dheerayaal dhinaca sharciga ah. Waxaa kale oo Internetkaasi ay sharraxaad ka bixinaysaa sida aad OISC ugaga dacwoon kartid sarkaal ka tirsan qaybta socdaalka (immigration).
Booqo bogga: Guddoonka Adeegyada Xafiiska Socdaalka
--------------------------------------------------------------------------
Buugaagta Golaha Qaxootiga (Refugee Council booklets)
Golaha Qaxootigu waa ururka ugu weyn ee ka jira dalkan Biritan ee la shaqeeya qaxootiga iyo dadka magangelyo-doonka ah (asylum seekers). Keliya ma bixiyaan talo, balse waxaa kale oo ay la shaqeeyaan qaxootiga iyo dadka magangelyo-doonka ah si ay u hubiyaan in baahidooda la maqlo.
Buugaagta hoos ku qoran waxaa ku yaal talooyin iyo warbixino wax ku ool ah.
"Warbixinta dadka magangelyo-doonka ah" "Information for asylum seekers"

"Warbixinta qaxootiga iyo dadka haysta sharci ku meelgaar ah" "Information for refugees and people with ELR"

"Ma tahay dhibbane midab kala sooc?" "Are you a victim of racial harrassment?"

"Ma laguu diiday magangelyo?" "Have you been refused asylum?"

-------------------------------------------------------------------------
Xiriirka Qowmiyada (Race Relations (Amendment) Act 2000)
Waraaq sharraxaysa xeerka cusub ee Xiriirka Qowmiyadaha kala duwan (Leaflet explaining the new Race Relations legislation)
Booqo bogga: Xiriirka Qowmiyada
--------------------------------------------------------------------------
Internetka Multikulti
Multikulti waxay turjumaad ku habboon dhinaca dhaqanka ka bixisaa sharciyada gunnooyinka (welfare law) - ha ahaato deymaha, shaqada, caafimaadka, guryaha, socdaalka iyo deeqaha gargaarka.
Booqo bogga: Internetka Multikulti


Contact EIN | Join EIN | Site information | Copyright info | Site Help